Al Shabaab oo weerar Culus ku qaaday Balcad iyo Faah faahino kasoo baxaya

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday qeybo kamid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeeaha Dhaxe, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo mudo socday.

Sida aan Wararka ku helnay dagaalyahanada Al Shabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday saldhig ciidanka Milatariga Soomaaliya ku leeyihiin banaanka degmada Balcad, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooga  oo hub kala duwan la isku adeegsaday.

Dadka ku dhaqan degmada Balcad ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka rasaasta culus ee is dhaafsanayeen labada dhinac, waxaana dagaalka markii dambe uu istaagay kadib markii Shabaabkii weerarka soo qaaday dib u laabteen.

Wali lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay, waxaana sidoo kale wali la ogeyn khasaaraha shacabka kasoo gaaray dagaalka xalay ka dhacay Balcad

Al Shabaab ayaa weeraro kedis ah mararka qaar ku qaada degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, weerarada Shabaab ayaana kordhay tan iyo waxii ka dambeeyay markii Al Shabaab la wareegeen deegaano ku dhaw dhaw degmada Balcad.

 

- Advertisement -